Baahin tababar la xidhiidha Hab beerashada casriga ah ee la jaan qaadaysa isbedelka cimilada (Climate Smart Agriculture/Green Project)

SOS Childrens Villages International
SOS Childrens Villages International

SOS Children’s Villages is the world’s largest organization focused on ensuring that children and young people without parental care or at risk of losing it grow up with the care, relationships and support they need to become their strongest selves.

Course description

Baahin tababar la xidhiidha Hab beerashada casriga ah ee la jaan qaadaysa isbedelka cimilada (Climate Smart Agriculture/Green Project)

SOS Children’s Villages in Somaliland waa Hay’ad caalami ah, kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada, daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan. Xoojinta iyo taageerida dhaqan-dhaqaale ee qoysaska danyart ah. Sidoo kale waxa ay fulisaa barnaamijka “Horumarinta wax soosaarka beeraha ee la jaan-qaadaya isbadalka cimilada(Urban and Climate Smart Farming)” oo ah barnaamij dhalinyarada u abuuraya fursado shaqo, isla markaana hoos udhigaya saamaynta isbadalka cimilada si loo yareeyo fakhriga nololeed ee ka dhasha iyado la raacayo wax-beerashada casriga ah ee la jaan qaadaysa isbadalka cimiladda (Urban and Climate smart Agriculture). Barnaamijkan Waxa loogu tala galay dhalinyarta dhameystay heerarka kala duwan ee waxbarashada cilmiga beeraha ama aqoon u leh wax soo saarka beeraha ama kasoo shaqeeyay beero.

Haayadu, Waxay qaadanaysaa 150 dhalinyaro ah oo lagu tababari doono hal-abuurka beeraha casriga ee la jaan qadaya isbadalka cimiladda iyo hababka kala duwan ee wax beerashada, Dhalinyaradu waxa ay soo qoran doonaan hal abuurkooda ganacsi ee la xidhiidha beeraha ee ay maanka ku hayaan, waxa aanay fursad u heli doonan in loo maal-galiyo fikradaha guulaysta ama la geeyo fursad shaqo carbin.

Dhalinyaradan waxa lagu tababari doonaa hab beerashada casriga ah ee la jaan qaadaysa isbedelka cimiladda (theory and practical), tababarka kadib waxa la rabaa in dhalinyaradu la yimadaan fikrado wax ka taraya yaraynta saamaynta isbedelka cimilada, korna u qaadaya wax soo saarka dalka ee dhinaca beeraha iyo shaqo-abuurka.

Hadaba Dhalinyarada xiisaynaysa tababarkan kor ku xusan waa in ay buuxiyaan shuruudan hoos ku xusan si ay uga faa’iidaystaan barmaamijka.

Shuruudaha xulashada:

1.              Waa in da’diisu u dhexayso (20-35 sano)

2.              Waxbarshada (Haysta shahaadada cilmiga beeraha ama wax u dhigma sida xoolaha iyo deegaanka).

3.              Waa in uu diyaar u inuu hal abuur la iman karo

4.              Heerka luuqada ingiriisiga waa in uu akhriyi karo iyo qorina karo.

5.              Waa in uu sidoo kale diyaar u ahaadaa ka qeybgalka hawlaha u baahan in gacanta laga qabto.

6.              In uu diyaar u yahay dhamaysashada tababarkan.

7.              Waa in uu wax ka garanayaa ganacsiga beeraha

Course contents

.

Attachments

How to apply

Habka Codsashada:

Codsadayaasha waa inuu keenaa CV giisa iyo warqada Codsiga xafiiska Haayada SOS Children’s Villages oo dhinaca koonfureed kaga dhegan xafiiska Degmada Ibrahim Koodbuur/ama iskuulka Axmed Dhaxag. Ugu dambayn 05/12/2024. Codsadayaasha la xusho oo keliya ayaa lala xidhiidh doonaa si waraysi looga qaado ama loo waraysto.

Other Courses

SOS Children’s Villages is the world’s largest organization focused on ensuring that children and young people without parental care or at risk of losing it grow up with the care, relationships and support they need to become their strongest selves.

See company details